Breaking News— Saraakiil ka socota Villa Soomaaliya oo Jaha Warreer ka dhaliyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wararka nagasoo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in Saraakiil ka socda Villa Soomaaliya ay baaritaan shaqsiyadeed ugu dhaqaaqeen Rakaab raaci lahaa Diyaarad u socotay Kismaayo.

Saraakiisha oo Amar Madaxweyne kusoo galay Garoonka ayaa Dadka ay Xanibeen waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Sadex Qof oo kale.

Dadka la xanibay oo 4 Qof ah ilaa hada Lama shaacin magacyadooda.

Kooxdaan ka timid Villa Soomaaliya ayaa waxay waysan waraaq uu Madaxweynuhu saxiixay iyo waraaq kasoo baxday Wasaarada Duulista.

Doyaarada Xigtaa ee Kismaayo ku wajahan waxay duulaysaa 12 ka duhurnimo,

Puntlandi.com
Muqdisho

<