Shaqaalihii Garoonka Diyaaradaha Hargeysa oo Garoonka Diyaaradaha Garowe usoo wareegay

Wasiirka Duulista Puntland Xuseen Cusmaan Lugatoor

Mudo bil ku dhowaad laga joogo ayaa Xukuumada Soomaaliland waxay shaqadii ka joojisay Shaqaalihii ka shaqaynayay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo sabab uga dhigtay in ay ka Mushaar Qaataan Ha’yado kale.

Shaqaalahaas ayaa badankoodu waxay kasoo haajireen oo isagasoo guureen Hargeysa waxayna shaqo cusub iyo deegaan cusub ay ka sameysteen Garowe.

Garoonka Caalamiga ah ee Garowec Airport ayaa waxaa hada ka shaqa bilaabay Shaqaalahaas kasoo cararay Hargeysa.

Shaqaalahaan ayaa waxay yihiin Xirfadlay ku taqaqusay Maamulida Hawada,waxayna in mudo ah ku shaqaynayeen waxyaabihii ay soo barteen tasaana keentay in ay tixgalin kaga helaan Maamulka Garoonka Garowe.

Wasiirka Duulista Puntland Xuseen Cusmaan Lugatoor oo maanta Saxaafada la hadlay ayaa wuxuu cadeeyey in Shaqaalahaas ay ka howl bilaabeen agarowe.

Dhinaca Hargeysa Xisbiyada Mucaaradka ayaa Xukuumada Madaxweyne Biixi waxay ku eedeeyeen in Shaqadii Garoonka Hargeysa ay hoos u dhacdey ayna Xukuumadu u sabab ahayd in Dadkii wax soo bartay ay u shaqo tageen Garowe.

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland waxay kaloo raaciyeen in Xitaa Diyaaradihii Caalamiga ahaa iyo Rakaabkiiba u wareegeen Garowe.

Puntlandi.com
Garowe

<