Nin Asal ahaan Itoobiyaan ah oo 10 Milyan USD ku guulaystay Canada oo lagu dilay Itoobiya

Michael Gebru, oo 41 jir Kanadain ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa 2 sano ka hor wuxuu ku guulaystay Baqtiyaanasiibka loo yaqaan Lotery, Aduunka gaaraya 10 milyan oo Dollar ,Ninkaan ayaa wuxuu ku dhintay waddanka Itoobiya, sidaana waxa xaqiijiyay Wasaarada Arimaha Dibada Canada (Global Affairs Canada).

Michael Gebru, oo 41 jir ah, wuxuu ku dhintey xaalado aan Ilaa hada la ogayn, Eedadiis Sosuna Asefaw ayaa Sheegtay sidaas..

Waxay kaloo Ehelkiisu sheegeen in la dilay.

Ninkaan geeriyooday oo Milyaneerka noqday laba sano ka hor wuxuu ku hamiyi jiray inuu caawinayo Dadka cawimaada u baahan ee Dalkuu asal ahaan ka yimid Itoobiya, wuxuuna ku geeriyooday isagoo ku guda jira hamigiisii, shakiyo badan ayaana kasoo baxaya qaabka uu u geeriyooday ama loo dilay

Safaarada Canada ee Adis Ababa oo Warsaxaafadeed kooban kasoo saartay Geerida Ninkaan “Waxaan tacsi gaara u diray Qoyskii uu ka geeriyooday Muwaadin Canadian ah oo Itoobiya ku geeriyooday, wixii kaalmo ah dhankayaga waan u fidinay Qoyskiisa, Faahfaahin intaas dheer kama bixin karo qaabkuu u geeriyooday, wali waxaa socda baaritaan.

Puntlandi.com
Canada

<