Maswirka Maanta : – Waa yaab !!!! Wakiilka khaaska ah ee Madaxweyne Farmaajo u maamulaya doorashada Galmudug

Ninkaas boorsada wataa waa Xildhibaan Dawlada
Federalka Somaaliyeed Cabdishakuur Cali Mire oo ah Madaxweyne Farmaajo Ina adeerkiis.

Waa ninka Musharax Madaxweyne ee Maamulka Galmudug Mudane Qoor qoor masuulka ka ah, waana ninka Madaxweyne Farmaajo u soo wakiishay inuu galmudug Qoor qoor madax uga dhigo. Ninkaan wuxuu wadaa lacagtii Laaluushka aheyd ee loo qeeybin la haa xilibaanada galmudug si ay u doortaan Musharaxa Villa Somalia wadato ee Qoor qoor.

Waxaa nasiib daro ah in Dawladnimadii Somaaliyeed ee kabka-kabka lagu waday, loona soo maray dhibka aadka u weyn, ee lagu rajo weynaa,loogna fadhiyey in ay soo celiso nabadii , walaalnimadii,amingii iyo degnaanshihii ay dib ugu midoobi lahaayeen Shacbigii Somaaliyeed ee Colaada iyo Dagaalada Sokooye kala irdheyeen ay maanta u gacan gashay kooxo daneystayaal ah oo laaluulsh, musuq-maasuq,Qabyaalad iyo been abuur ay u tahay mabadiida Siyaasadeed ee ay aaminsan yihiin.

Kooxdan Qurba-joogta ah ee Villa Somaliya ka arimiyaa waxay Dadkii iyo Dalkii Somaaliyeed mar labaad u horkacayaan dariiqii lagu rogmaday ee laga dhaxlay Kacaankii Askarta iyo Dagaaladii sokeeye ee ka danbeeyey
ee ku suntanaa Qabyaalada,Hantiboobka, Musuqmaasuqa iyo iska horkeenka Shacbiga,kaas oo ay Ummada Somaaliyeed ku weyday Quruxdii iyo Sharaftii Ummadnimo iyo Dawladeed.

Maanta waxay mareysaa in lagu faano, oo dadka iyo dalka lagu burburiyo Lacag laga soo qaatay Dawlada Qatar iyo isu dhiibida Ethiopia.

SOOMALIYA NINKII LACAG HAYSTOW WAA BEEC

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<