Ceeb aan caadba lahayn , Wasiir Cabdillahi Salaad Oomaar wuxuu yiri “ Amaanka Xuduuda Soomaaliya Ayaan u xanibnay Diyaaradaha Kismaayo ka dage lahaa

Waayadaan Dambe waxaa Siyaasada Dalka ehel u noqday Dad aan Siyaasada ehel u ahayn, Khatarna ku ah Danaha Shacabka Soomaaliyeed Guud ahaan iyo Qaranimadii mudada lagasoo shaqaynayay sidii ay Soomaaliya dib ugu hanan lahayd.

SanBalooshe wuxuu Yiri “ Qaranka Soomaaliyeed hawiye ayuuto haloo siiyo 4ts sano ee soo socota si ay Koonfuta Gaalkacyo ilaa Xamar nabad uga dhigaan”

Kismaayo 20 sep.2019— Wasiirka Duulista Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdillahi Salaad Oomaar oo Waraysi siiyay idaacadaha muqdisho ayaa wuxuu ku sababeeyey Xayiraadii uu Madaxweyne Farmaajo saaray Duulimaadyada ka daga Kismaayo in loo xanibay Daruufo la Xiriirka Amaanka Xuduudaha Qaranka Soomaaliyeed.

Oomaar wuxuu yiri “ Waa caadi in diyaaradaha dibadda ka yimid ee tagaya gobollada dalka ay soo maraan magaalo Madaxda, tansna waxay keentaa oo kaliya inaan qaadanno mas’uuliyaddii ahayd maamulka xuduudaha iyo hawada Soomaaliya waxa soo galaya iyo waxa ka baxayaba, maadaama aysan jirin Maamul la aqoonsan yahay oo mas’uuliyaddeedi aan ku halleyno, waxaan Xamar ka qabannaa waajibkii na saarnaa oo kaliya”.

Oomaar wuxuu ahaa Masharixii oo Dadka qaar ugu yeeri jireen (Lafta Gareenka Jubbaland) wuxuu ka mid ahaa Musharixiintii u tartamayay Madaxweynanimada Jubbaland balse wareegii kowaad ee ololaha Doorashada ayuu awoodinwaayay inuu Kismaayo soo caga dhigo.

Iyadoo lawada ogyahay Dagaalka Siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweynaha la doortay Axmed Madoobe iyo Vilo Soomaaliya ayuu Wasiir Oomaar isagoo Xamar jooga wuxuu yiri Xuduud baan ilaalinaynaa oo Saas baan Diyaaradaha umanoocnay iney Kismaayo ka dagaan, Xili ay Dekada iyo Suuqyada Muqdisho ay Al-shabaab Canshuurta ka urursadaan.

Subax walba waxaa Muqdisho ka baxa Abaabul Xamuul oo sahay u sida Goobaha ay Al-Shabaab haystaan Gobolada ku hareeraysan Muqdisho, Xukuumaduna wax awood ah uma laga inay baaraan baabuurtaas.

Joogotanka Ciidanka Kenya ay juugaan Soomaaliya waxaa sabab u ah oo Caalamku ku taageeray Kenya waa Soomaaliya oo aysan ka jirin Xukuumad Awooda iney ilaaliso Xuduuda Kenya iyo soomaaliya. Halka Madaxweyne Farmaajo oo iskusoo hormarinaya wasiirkiisa Oomaar uu yiri Xuduuda Hawadaan ilaalinaynaa.

Puntlandi.com
Kismaayo

<