Qardho oo lagu burburiyay goobo lagu soo saaro Dhuxusha

Cumar Hiirad Haatum Taliyaha Booliska Gobolka Karkaar ayaa wuxuu sheegay in aysan aqbalayn in Geedaha La gubo oo Dhuxul loo isticmaalo, Shacabku Geedaha qalalay Way soo furan karaan si ay nololmaal meeskooda ugu isticmaalaan laakiin in laga ganacsado Dhuxusha waa manuuc Guud ahaan Puntland

Maamulaka Gobolka Karkaar oo kaashanaya Maamulka Degmada ayaa waxay burburiyeen Goobo ku yaala hareeraha Magaalada oo loo isticmaalo jiray dhuxusha iyo Geedaha la gubayo.

Ciidanka Amaanka ee Gobolka ayaa iyana ka qaybqaatay howlgalkaan balaaran, waxayna aaseen oo dab qabadsiiyeen dhamaan goobahaas.
Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cabdi ayaa wuxuu baaq kama dambeysa ah u diray Shacabka Gobolka wuxuuna uga dhigay inay taabtaan shorts oo ay u isticmaalaan dhuxul.

Taliyaha Gobolka Karkaar Cumar Hiirad ayaa isna baaq noocaas ah diray.

Igu yaraan afar goobood oo kuyaal hareeraha Magaalada ayaa hada la aasay oo la burburiyey.

Puntland ma jiro Sharci si toosa umanuucaya kaganacsiga Dhuxusha oo labaad guur ku ah deegaanka, Wasaarada Deegaanka Puntland oo aan isku da’ynay inaan la xiriiro Way suura galiwaysay.

Puntlandi.com
Qardho

<