Maxaa kasoo baxay shirkii Maalgashiga Puntland

Shirkaan wuxuu ahaa kii Nicosia ah kii ugu horeeyey ee lagu qabto Puntland, Balanqaadyo badan ayaa looga yaboohay,Shirkada dhowra oomaal qabeeo Ajnabi ah ayaa ku yaboohay Maalgashii kor u dhaafaya 30 Milyan oo Dollar.

Shirkii Maalgashiga Puntland wuxuu kusoo gabagaboobay sidii loogu talagalay iyo jawi aad u waangan.
Shirkadihii kasoo qayb galay oo ka kala yimid Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba aad ayay ugu riyaaqeen qaabkii loosoo abaabulay iyo Waxyaabihii lagusoo bandhigay oo u badnaa waxyaabaha ay Puntland qaniga ku tahay, Sida Xoolahq, Malaysia iyo Brryada oo noocyo badan ka koobneyd.

Dowlada Puntland waxay Shirka u maaraysay si Wanaagsan oo dublamaasiyadeed oo Dowladnimo ka muuqata, aad ayaana loogubriyaaqay.

Ganacsato ajnabi ah oo kakala yimid Shiinaha iyo Sacuudiga ayaa Waxay ku yabooheen iney Maalgashi muuqda ku samaysanayaan Puntland ayna ka qayb qaadanayaan Dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha sida Wadooyinka iyo Dekadaha.

Dekada Garacad ayaa lagusoo hadal qaaday, waxaana Macquul ah oo abaabulkeedu socdaa in ay Maalgashayaalku ay booqdaan Garacad.

Lacag kor u dhaafaysa 50 milyan oo Dollar ayaa ilaa hada lagu yaboohay, Dowlada Puntland waxay balan qaadey in Yaboohidaan ay ka dhabeeyaan oo aysan noqon Kuwii aan horay u maqli joray oo kale, oo ahaa Qaeda maqashii, Madaxweyne Deni wuxuu yiri “ Shiraan Maalgashiga mirihiisa waad arkaysaan dhowaan”.

Hadii laga dhameeyo qodobadaan kasoo baxay shirkaan waxaa hubaal ah inuu noqon doono mashruucii ugu weynaa ee Reer Puntland ay iyagu samaystaan, waxayna noqon doonta faa’iido Miro Ddhal ah.

Maalqbeen Sacuudiga ah oo Shirka khudbad ka jeediyey ayaa wuxuu aad ugu riyaaqay fursada uu maanta indhihiida ku arkay Mandaqada Puntland.

Puntlandi.com

<