Amaanka Inta u dhaxaysa Balcad iyo Muqdisho oo soo xumaday

Waayadaan dambe Al-shabaab waxay kusoo xoogeysteen qaybo ka mida Degmada Balcad iyo nawaaxigeeda. Waxaana jira dhaqdhaqaaq ay halkaas kawada.

Magaalada Balcad waxaa maanta lahadal hayaa Awooda Al-shabaab oo kusoo xoogaysanaysa Deegaanka iyagoo cabsi galinaya shacabka.

Inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad ayaa hada Ameenkeedu sii xumaadey,Dadka deegaankuna aad ayay uga walwal San yihiin.

Shacabka Deegaankunwaxay ka cabsi qabaan hadii aysan la shaqayn Al-shabaab inay ku dhagayso oo kale Dhacdadii ka dhacdey Buulaxaawo ee Gobolka Gedo oo ay al-shabaab intay habeynimo Magaalada soo galeen ay ku laayeen dad Rayid,iyagoo si qaabdaran u lastet Dadka.

Maamulka Hirshabeele iyo Xukuumada Federaalka labaduba Way la socdaan Xaalada Deegaanka laakiin ilaa hada waxba kama aysan qaban.

Puntlandi.com
Muqdisho

<