Xukuumada oo wadada u Xaartey Al-shabaab Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo Asxaabtiisii oo ilaaladii laga qaadey

Masuuliyiinta ay Al-shabaab ay sida aadka u raadiyaan Waxaa kamid ah Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Xukuumadii Madaxweyne Sharif soo noqdey Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, walibana ahaa Wasiir Dagaal Adag lagala Al-shabaab.

Xuseen Carab Ciise wuxuu dhanka kale uu hada yahay Madaxa Gudiga Amniga ee Baarlamaanka, Amar kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa maanta looga qaadey ilaaladiisii isaga iyo Cildhibaano kale oo dhowra ayna dhamaantood ay ka tirsan yihiin Mucaaradka Xukuumada.

Arintaan ayaa waxay u muuqataa in Masuuliyiintaan ay hada yihiin hilib waraabe loo tuuray oo macneheedu yahahay in Amaankoodu uu dayacan yahay ayna mar walba ay si sahlan u ugaarsan karaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab .

Wararka ay Puntlandi.com ay helayaan waxay sheegayaan in Masuuliyiintaan ay HadanaHadaba galiyo Amaan ay waydiisteen Taliska Amisom,

Ma cada cida sida tooska ah u bixisay Amarka looga qaadey Masuuliyiintaan Ciidamadii ilaalada u ahaa, Waxaase la sheegay in Amarka ay bixiyeen qaar kamida lataliyayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com
Muqdisho

<