Xog-Jubbaland oo Amartay in Xabsi la dhigo Shaqsiyaad u shaqeeya DF haday soo caga dhigaan Deegaanada Jubbaland

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi ay heleen ayaa sheegay in kulan ay yeesheen laamaha Amaanka iyo kuwa garsoorka Jubbaland ay isku racen in Xabsiga lasoo dhigo Shaqsiyaad sarsare oo Dowlada Federaalka ka tirsan kuwasoo lagusoo eedeeyey inay ku Holland yihiin Khalkhal galinta Amaanka Jubbaland.

Sida aan xogta ku heyno Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa go’aankaan lagu wargaliyey ka hor intaas go’aanka La qaadan.

Shaqsiyaadka loo jaray Warqada Xarigooda ayaa waxaa kamid ah Shaqsiyaad darajooyin sare ka haya Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Warar aan rasmi ahayn oo Puntlandi heleen waxay sheegayaan in Dadka Jubbaland raadineyso ay ku jiraan labo lataliye oo ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Haweynay iyana ka tirsan Shaqaalaha Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com
Kismaayo

<