Ciidamo Beeleed kii ay Warbaahinta Puntlandi.com horay u sheegtay in Eritrea loo qaadayo oo la qaaday

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa bishii hore ee Ogoosto Xog ay heshay ku sheegtay in Raysal wasaare Kheyre uu ururiyay Ciidan Beeshiisa u badan oo tababar loogu qaado doono Casmara,

Ciidankaan ayaa 60% waxay kasoo jeedaan Beesha Raysal wasaaraha, Halka 40% lagu sharxay oo ay kasoo jeedaan Beelaha qaarkood.

Ciidankaan ayaa waxaa hada loo qaadey Casmara si tababar loogusoo sameeyo.

Ciidamada hada la qaaday oo tiradoodu tahay 345 wiil kuma jiraan Dad kasoo jeeda Gobolada Dalka oo dhan waxayna waysan Magaca Qaranka Soomaaliyeed,mana ahan markii u horaysay oo Ciidan Beeleed lagusoo tababaro Magaca Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa Sanadihii u dambeeyey lasoo tababaray Lama qalabeeyey ku dhowaad 2000 oo askari, 90% waxay kasoo jeedaan Beesha Hawiye oo qura, ama Gobolada Muqdisho ilaa Koonfurta Mudug inta u dhaxaysa.

Wali ma dhicin Sanadahaan in Ciidan kale tababar loo qaado aan ka ahayn Ciidan Beeleedyada Muqdisho.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland waxaad moodaa inay moog yihiin sida qaldan ee loo adeegsanayo Awooda iyo Magaca Dalka.

Puntlandi.com
Muqdisho

<