Breaking News— Beesha Caalamka oo Madaxweyne Farmaajo ku khasbaya inuu la kulmon Axmed Madoobe

Iyadoo maalmahaanba ay Beesha Caalamku wadeen ukala dabqaadis ay u kala dabqaadayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadana waxaa jira culeysyo ka imaanaya Villa Soomaaliya, culaysyadaasoo ay wadaan lataliyayaasha Madaxweyne Farmaajo kuwasoo doonaya in aysan heshiis labada Nin.

Laakiin Beesha Caalamka ayaa hada waxay culays saareen Madaxweyne Farmaajo si uu ula heshiiyeen Axmed Madoobe.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa waxay sheegayaan in Beesha Caalamku ay soo jeedisay in sharuud la’asn ay labada dhinac u wada hadlaan laakiin waxaa wali ka caga jiidaya Arinta Villa Soomaaliya.

Axmed Madoobe wuxuu dhankiisa ogolaadey in uu la kulamo Madaxweyne Farmaajo ayna Wada hadlaan.

Wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu usoo debcay soo jeedinta Beesha Caalamka laakiin waxaa jiidaya oo wada hadalka Diidan qaar kamid ah lataliyaashiisa.

Waxaase hada muuqata oo soo ifbaxaya in labada dhinacba la lhasbayo si ay wadahadal ugu dhameeyaan xurgufta.

Beesha Caalamku waxay Sheegeen inaysan fasaxayn dhaqaalaha Loogu tala galay Doorashada Soomaaliya hadii aysan Dowlada Federaalku aysan isusoo dhowaansho iyo wada shaqayn aysan la sameyn Puntland iyo Jubbaland.

Waana Arinta ku khasbeysa Madaxweyne afarmaajo inuu la hadlo Oo uu aqbalo Axmed Madoobe.

Puntlandi.com
Kismaayo

<