Dowlada Emeraatka oo balaarineysa Garoonka Diyaaradaha Berbera

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Dowlada Emeraatka ayaa Mashruucii ay Berbera uga dhisi lahayd Garoonka Diyaaradeed oo Ciidan ayaa waxay ku badashey Garoonka Diyaaradeed oo shacab kasoo ay sheegeen inuu noqon doono kan ugu weyn Afrikada Bari.

Dowlada Emeraatka ayaa horay waxay u damacsanayd inay Garoon Ciidan ay ka dhistaan Waqooyiga Soomaaliya laakiin isbadalka ay ku sameeyeen Ka qaybqaadashada Dagaalka Yemen ayay uga kaaftoomeen baahidii ay u qabeen Garoon Ciidan badalkiisana waxay Soomaaliland ka dhisayaan Garoon Rayid ah kasoo noqon doona Garoonka Diyaaradaha Berbera.

Waxayna Balan qaadeen iney Berbera ka dhigi doonaan Garoonka Diyaaradaha ee ugu weyn Geeska Afrika.

Dhismaha Garoonkaan wuxuu qayb ka yahay Loolanka ay Wadamada Khaliijku ugu tartamayaan saameyn ku yeelashada Soomaaliya.

Qatar ayaa Dhowr jeer waxay shaaciyeen iney Mashaariic waaweyn ay ka fulinayaan Koonfirta Soomaaliya.

Puntlandi.com
Hargeysa

<