Al-shabaab oo dil ka geystay Baladxaawo

Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo waxaa Xalay lagu dilay laba Nin , Sida Puntlandi loo sheegay labada Nin ee la dilay waxay u shaqaynayeen Maamulka Degmada.

Al-Shabaab ayaa Xalay waxay Magaalada heysteen mudo kooban, Waxayna kusoo galeen qorshe abaabulan oo ay Dad gaara ku baadi goobayeen, Waxayna Magaalada ka fuliyeen Howlgal ay Dad ay doonayeen ay ku Xasuuqeen.

Labada Nin waxaa lagala baxay Guryohooda waxaana ka dib lagu toogtay meel aan Sass uga fogayn guryihii lagala baxay” Waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegay Farxasn Cabdiraxmaan oo Reer Baledxaawo ah.

Magaalada Baledxaawo waxaa marar badan falal noocaan ah ka geystay Al-shabaab mana jirto cid wax ka qabatay falalka noocaan ah ee soo noqnoqonaya.

Puntlandi.com
Kismaayo

<