Dowlada Federaalka oo awoodedii isugu geysay Dhuusamareeb

Iyadoo Wali muren Siyaasadeed iyo awood sheegasho uu ka jiro Dhuusamareeb ayaa warar ay Puntlandi.com ay helayaan waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay iyana ku wajahan yihiin Magaalada.

Ahlu Suna Waljameeca oo laba garaab u kala jabay ayaa Garab wuxuu gacan saar la sameeyey Villa Soomaaliya halka Garabkii kale banaanka looga saaray Magaalada.

Xaalada Magaalada ayaa u muuqata mid degan saaka oo talaado ah, kadib waan waan tan iyo Xalay socotay oo waxoogaa rajo nabadeed ay kasoo baxeen,

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baledweynevqaybo kamid ah ayaa la qorsheynayaa in lageryo Dhuusamareeb, waa sida aan xogta ku helnaye.

Raysal wasaare Kheyre ayaa laguwadaa inuu maalmaha soo socda uu tago Magaalada waana sababta loo dalbadey Ciidamada Itoobiya.

Puntlandi.com
Garowe

<