Xaaf oo khiyaameyey Ahlu Suna, Iyo Dhuusamareeb oo gacantooda kasii baxaysa

In Ciidan la geeyo Dhuusamareeb oo meesha laga saaro utur Diimeedka Ahlu Suna, waxaa fikorkeeda lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xeef

Sargaal ka tirsan Galmudug oo Gaalkacyo kula hadlay Puntlandi.com wuxuu sheegay in sinaba aysan Ahlu Suna aysan ula janqadi Karin Nidaamka Dowladnimo ee talada Shacabka loo gacan galinayo, sidaas awgeed Madaxweyne Xaaf wuxuu Dowlada Federaalka u soo jeediyey Qorshe culus oo awooda looga xayuubinayo Ahlu Suna wal jameeca.

Ciidamada Shalay l geeyey Dhuusamareeb Maren waa Beesha Cayr oo soocan, waxaana markii hore Ahlu Suna loo sheegay iney hordhac u yihiin Wafdi imaanaya Dhuusamareeb, taasina khiyaamo ayay ahayd la doonayay in Ciidanka ay mar uun dhulka soo caga dhigaan.

Xeef ayaa u muuqda inuu ka aargudanayo Ahlu Suna Waljameeca maadaama ay isaga dhowr jeer ay ku sameeyeen dhabar kanin Siyaasadeed.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa inta badan gacanta ku haya Ciidanka Federaalka, Ciidam
Ahlu Suna waxay hada ku sugan yihiin Xaafadaha Magaalada, dhinaca Koonfireed.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<