Ciidan Beeleed gaara oo Eritrea tababar loogu diray

Sida ay Warbaahinta Puntlandi ogaatay Ciidan Beeleed ka kooban hal Beel ayaa waxaa tababar loogu diray Dalka Eritrea, Arintaan ayaa waxay ka hor imaanaysaa Dowladnimada iyo Nidaamka 4.5

Ciidan Beeleedkaan wuxuu ka kooban yahay Beesha Raysal wasaaraha oo qura, Horay ayaa sidoi kale Eritrea waxaa loogu diray 159 Maleeshiyo Beeleed si halkaas loogusoo tababaro, Waana Ciidanka Madaxtooyada ee ay Golaha Wasiiradu ay Khamiistii sheegeen iney ilaalinayaan Goobaha Dowlada.

Tababarada Maleeshiyaadka loo diro iyadoo la isticmaalayo Magaca Qaranka ayaa waayadaan dambe soo badanaya.

Maamul Goboleedyada ayaa moodaa iney hurdaan oo aysan waxba kala soco waxyaabaha Muqdisho ka socda iyo qaabka loo isticmaalo hantida Magaca Soomaaliya lagusoo qaato.

Puntlandi.com

<