Maanta iyo Kismaayo , Doorashadii oo bilaabaneysa, Beesha Caalamka oo soo dhaweysay kuna baaqdey in Qolo. Walba Aqbasho Natiijada

Maanta waxaa si rasmi ah Kismaayo uga dhacaya Doorashada Madaxweynaha, Diyaargarow xoogan ayay Jubbaland u gashay in Doorashada aysan shaacin. Wakhtigeeda.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey waxay si buuxda u taageereen in Doorashadu dhacdo maanta oo 23 Ogoosto ah, Waxayna hoosta ka xariiqeen inaan loo bashneyn doc ka yeernimo iyo in kawada  aqbalo Natiijada Doorashada.

Kooxaha Mucaaradka waxaa loogu baaqay inay Doorashada ka qayb galaan oo aysan lumin jaaniskooda.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobey oo ka hadlayay kulankii Golaha Amaanka ee Arimaha Soomaaliya looga hadlay shalay wuxuu yiri…

  • “The upcoming Jubaland presidential election provides an opportunity to reaffirm mutual respect between the central and state governments. We call on all parties to support a peaceful election, and to avoid any interference in the electoral process.“
    Afsoomaaæi :- Doorashada Madaxtinimada ee Jubaland waxay fursad siineysaa si in dib loogu xaqiijiyo xushmaddii ka dhaxeysay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dhinacyada inay taageeraan doorashada si nabad ah, ayna ka fogaadaan wixii faragalin ah oo ku yimaada howlaha doorashada.”

Gudiga Doorashadu waxay hoosta ka xariiqeen in Doorashadu ay ahaan doonto mid xalaal ah oo axildhibaanadu ay Si dimoqoraadiyad ah u dooran doonaan hogaamiyaha Jubbaland.

Amaanka Jubbaland aad ayaa loo adkeeyey , Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Ciidamada Kenya ayaa Amaanka sugaya, Dowlada Kenya waxay Arbacadii ay Jubbaland ku caawisay qaldan sahlaya sugida Amaanka, Ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga waxaa Arbacadii loo keeney laba Diyaaradood oo nooca bilaa duuliyaha ah (Drones) iyo 5 Nin oo ku howlgalaya Diyaaradhaan,

Jubbaland iyo Kenya waxay aad ugu diyaargaroobeen Doorashada iyo iney ku dhacdo qaabkii loo qorsheeyey.

 

 

si toos ugala  soco Doorashada Warbaahinta Puntlandi.com 

<