Doorashadii Jubbaland waxay dhiiri galisay Dumarka Soomaaliyeed

Doorashadii Madaxweynanimada ee Maanta ka dhacday Jubbaland waxay noqotay mid Haweenka Soomaaliyeed taariikh u sameysa, Waxayna saamaxday in Haweenku ku dhiirdaan inay u tartamaan Jagooyinka ugu sareeya Dalka.

Canab Maxamed Daahir waxay kamid tahay Haweenka Soomaaliyeed ee Qurbajoogta ahaa laakiin waxay door bidey iney Dalka kusoo laabato.

Waxay kamid ahayd Dadkii u tartamayay Hogaanka Jubbaland, waxayna feer ordaysay si ay kursiga uga qaado Sayid Axmed Madoobe.

Dadbadan baa aaminsanaa in Haweenka uu jaaniskoodu iska yaryahay Marka loo tartamaya jagooyinkaan oo kale laakiin taariikhdaas waxaa badalay Canab Maxamed.

Canab waxay maanta u tartantay Iney noqoto Madaxweynihii u horeeyey oo Haweynay ah Gayiga Soomaaliya, inkastoo aysan ku guulaysan hadana waxay ku guulaysatay inay Dhiirigalin iyo hanweyni ay galiso Dumarka Soomaaliyeed,waxay heshay codkii labaad ee Doorashada Jubbaland 2019,waxayna heshay 17 cod.

Puntland Baarlamaankeeda waxaa ku jira hal Dumar ah, iska daa Madaxweyne ay u tartamaane, laakiin Sandaha soo socda Waxaan arkaynaa Dumar badan oo raga kula loolama Kuraasta sarsare, wadadaas waxaa haweenka u xarayb Canab Maxamed Daahir oo nr.ka labaad ka gashay Doorashadii maanta ka dhacdey Kismaayo

Puntlandi.com
Kismaayo

<