Breaking News—Kulan deg deg ah oo ka socda Villa Soomaaliya, Maxaa looga hadlayaa kulankaan

Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay ka helayaan Ilo Wareedyo ka ogdhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in uu Kulan albaabadu u xiran yahay uu ka socdo Villa Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga arinsanayaa sidii laga yeeli lahaa iyo hadalka ay xukuumadu ka oranayso Natiijada Doorashada Jubbaland.

Xukuumada Federaalku waxay horay u sheegeen in ay dhici karto iney diidan Natiijada Doorashada.

Kulankaan waxaa lagu diyaarinayaa Warsaxaafadeed ku saabsan Natiijada Doorashada Jubbaland,laakiin Lama oga ilaa hada qaabka loo qorayo warsaxaafadeedka iyo waxa uu xambaarsanaan doono.

Sida la filayaa Xukuumada Federaalku Way kasoo horjeesanaysaa guusha Axmed Madoobe.

Wixii kasoo baxa kulankaan ka socda Villa Soomaaliya kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Muqdisho

<