Breaking news— Bandowgii Kismaayo oo hirgalay, Doorashadii oo bilaabatay, Mucaaradkii oo midmid u tanaasulay

Shalay waxay Gudiga Doorashadu ay laamaha Amaanka ka codsadeen in Bandow lagusoo rogo Kismaayo ilaa Doorashadu ka dhamaanayso, Bandowgaasoo ay Reer Kismaayo ku waa bariisteen saaka, Ciidan ayaa dhamaan wadooyinka lasoo dhoobay, waxaana la joojiyey inaan Magaalada wax kulan Siyaasadeed ah uusan ka dhicin laga bilaabo maanta 7.00 subaxnimo wixii ka dambeeya, xiligaasoo uu ku egyahay ololaha Doorashada ee ay wadaan Musharixiintu.

Kulamo ay Mucaaradku Xalay yeesheen ayay laba kooxood ugu kala qaybsameen koox tanaasusushay iyo koox wali mowqifkoodii ku adkeystay.

Siyaasi Shuqul ayaa kamid ah raga tanaasulay, Gudoomiyihii ay Mucaaradku ubdoorteen Baarlamaankii ay ku dhawaaqeen isna wuutanaasulay, wuxuuna kusoo biiray kooxda Axmed Madoobe.

Doorashada waxaa ku tartamaya 4 Qof oo Axmed Madoobe ugu cad cad yahay, Haweeney ayaa kamid ah Dadka tartamaya.

Puntlandi.com
Kismaayo

<