Donald Trump oo kansalay booqashadiisii Denmark kadib markii Raysal wasaaraha Denmark ay tiri “ Greenland beec ma aha”

Bilowga bisha soo socota ee Septembar waxaa booqasho ku imaan lahaa Denmark Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump , laakiin Trump wuxuu Xalay twitter-kiisa kusoo qoray hadal ay maanta kuwada qosleen Reer Denmark oo ay u fasirteen sidaan.,,“ Hadeydaan Greenland iga gadeyn idiinma soo socdo”

Raysal Wasaarada Denmark Mette Frederiksen oo axadii booqasho ku joogtay Greenland ayaa waxay tiri iyadoo dhoola cadeynaysa “ Greenland beec ma aha, mana kawada hadlayno arintaan, Greenland ma aha hanti Danish leeyahay, Greenland waxaa leh Dadka Greenland”

Todobaad ka hor ayaa Madaxweynaha Maraykanku wuxuu soo jeediyey in Laga iibiyo Greenland.

Hadaba Donald Trump ayaa Xalay wuxuu yiri “ Raysal wasaaraha Denmark hadeysan igala hadlayn Arinta Greenland aniguna waan baajiyey safarkaygii Denmark ee Mar kale ha inoo ahaato, Aqalka cad ayaa iyana xaqiijiyey saaka baaqashada Trump.

Raysal wasaaraha Denmark iyadoo arintaan ka hadlaysa waxay tiri “ Lama joogo xiligii la beecin jiray Dadka iyo dhulkooda, waa lagasoo gudbay xiligaa foosha xumaa”


Greenland waa jasiirad aad u baaxadweyn oo ku taal Bada Atlantika, waxay ku dhowdahay Dalka Kanada, Greenland waxay ka tirsantahay Boqortooyada Denmark laakiin Maamul hoosaad ayay leeyihiin, Ma aha Dal oo waxay ka mid yihiin Denmark. Baarlamaanka Danmark waxaa afar xubnood lagasoo doortaa Greenland, Shacabka Greenland waa wax ka yar 56,000 (Konton iyo Lix kun oo Qof) Dhul ahaan Sadex jeer ayay ka weyntahay Soomaaliya, Way u madaxbanaan yihiin iney gooni isutaagaan, Wayna u furantahay marwalba in Codka Madaxbaanida loo qaado, Laakiin Shacabka ma doonayaan inay ka go’aan Denmark, Miisaaniyada Greenland waxay qayb ka tahay Miisaaniyada Denmark ee sanadlaha ah, Shacabkuna Waxay la xuquuq yihiin kuwa Daanishka, luuqadoodu waa Greenlandeys iyo Danish, Basaboorkoodu waa kan Denmark.

Puntlandi.com

<