Yaa sharci u leh soo magacaabida Gudiga Doorashooyinka Puntland

Shalay oo ahayd Axad 18 Ogoosto 2019 wuxuu Madaxweyne Xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu shaaciyey inuu kasoo hor jeedo Gudiga Doorashooyinka ee uu Magacaabay Madaxweyne Dani.

Madaxweyne Xigeenku wuxuu sheegay inaan isaga lagala tashan magacaabida Gudigaas, wuxuu raaciyey inay Dadtuuri tahay in Madaxweynuhu uu la tashado Madaxweyne Xigeenka Maria uu magacaabayo Gudigaan.

Mudane Karaash wuxuu soo qaatay oo daliishadey dastuurka Puntland Qodobka #80 oo ka hadlaya Awooda Madaxweynaha, farqadiisa 5aad oo Madaxweyne Xigeenku daliishadey waxay oranaysaa….

  • Dastuurka Puntland Qodobka 80 aad faqtada 5aad
    #Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne Ku-Xigeenka, wuxuu awood u leeyahay in uu magacaabo ama xilka ka qaado Xubnaha Golaha Wasiirrada, madaxda hay’adaha madaxabannaan iyo madaxda kale ee Dastuurka ama shuruucda kale u oggol yihiin.

Hadaba Qodobka.an ma ahan qodob qusaya Magacaaboda Gudiga Dooradhada, Magacaaboda Gudiga Doorashadu wuxuu leeyahay Qodob ugaara waana Qodobka  113aad ee Dastuurka Puntland ,

Qodobka 112 aad  iyo 113 aad  Dastuurka Puntland wuxuu u dhigan yahay Sidaan.

 

Qodobka 112 Gudiga Doorashada

  • 1. Guddiga Doorashada Puntland waa hay’ad madaxbannaan, waxayna u hoggaansamaysaa sharciga oo keliya, waxayna xilkeeda u gudaneysaa si ka madaxbannaan dhammaan qaybaha kale ee Dawladda.
  • 2.Waa hay’adda ugu sarraysa arrimaha doorashooyinka ee dalka oo go’aannadeedu aysan burin karin hay’ad kaloo dawli ah, marka laga reebo Maxkamadda Dastuuriga ah.
    3. Guddiga Doorashada ee Puntland wuxuu ka kooban yahay toddoba (7) xubnood oo la dooranayo muddo lix (6) sano ah, dibna loo soo dooran karo.

Qpdobka 113aad wuxuu ka hadlaya Cida Soo magacaabo karat Gudiga wuxuuna Qeexayaa sidaan

Qodobka 113 NIDAAMKA DOORASHADA GUDDIGA

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa saddex bilood ka hor ku dhawaaqaya wakhtiga loo muddeeyay ansaxinta Xubnaha Guddiga Doorashada, waxaana loo soo kala magacaabayaa, sida soo socota:

  • (b) Saddexda Xisbi mid waliba hal (1) xubin ayuu soo magacaabayaa. (t) Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa laba (2) xubnood oo lab iyo dheddig kala ah. (j) Golaha Wakiilladu wuxuu magacaabayaa laba (2) xubnood, lab iyo dheddig kala ah.
    (x) Golaha Wakiillada wuxuu ansaxinayaa xubnaha ay soo kala magacaabeen Madaxweynaha, Golaha Wakillada iyo Xisbiyada. Haddii xubin ka mid ahi Goluhu ansaxin waayo, wuxuu Guddoomiyha Golaha Wakiillada u qorayaa in ciddii soo magacowday ay ku soo badasho mudoo shan iyo toban (15) beri gudahood. Xubintii muddadaas lagu soo magacaabi waayo halkeedii waa ay bannanaanaysaa ilaa laga soo magacaabayo.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sharci u leeyahay inuu isagoo cidna la tashan uu magacaabo Gudiga Doorashooyinka Puntland, waana awood Dastuuri ah.

Waa markii ugu horaysay taariikhda Puntland inXukuumad 6 bil jirta uu Masuul kale qalinka ku qabsado Maduulkii la shaqaynayay, waana dhaqan ku cusub Puntland.

 

Puntlandi.com

garowe

 

 

<