Breaking News Musharax Xildhibaan Cabdirshiid Xidig oo ka tanasulaya Tartanksa Jubbaland

Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com heleen ayaa sheegaya in Cabdirshiid Xidig uu ka tanaasulay Tartankii uu u tartami lahaa Madaxweynanimada Jubbaland.

Xidig ayaa dhowaan wuxuu ku dhawaaqayaa inuu tanaasulay oo uu ka haray loolanka.

Ilo aad ugu dhow Xildhibaanka ayaa Puntlandi.com waxaa u sheegeen in cadaadis uga yimid Beeshiisa awgeed uu u tanaasulay.

Musharax Xidig oo kamid ah Musharixiinta ay Villa Soomaaliya gadaal kasoo riixayso, Tanaasulkiisu waxay muujineysaa iney aad u yaraatay Rajadii ay Xukuumada Federaalku ay ku doonayeen iney ka taqalusaan Sayid Axmed.

Puntlandi.com
Kismaayo

<