Raysal wasaare Kheyre wuxuu ku guuleystay burburinta Galmudug, Farmaajana dib ugurashuu sameeyey


Raysal wasaare Kheyre wuxuu mudo ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb isagoo siyaabo gooni gooni ah uu ula kulmey saamilayda Galmudug.

Ka hor imaatinkiisii Dhuusamareeb Galmudug waxay ahayd Maamul dhisan walow ay jireen Khilaafyo dhex yaalay Saamilayda Maanulka.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in uu daweynayo khilaafka dhex yaal Siyaasiyiinta Maamulka laakiin waxay noqotay inuu jeebka kala soo baxo ajande u qarsoonaa oo ahaa in Burburinta Maamul Goboleedyada laga bilaabo Galmudug, tasoo maanta muuqata inuu guul ka gaaray.

Maamulkii Galmudug wuu Burburay oo ma jiro hogaan iyo Xafiisyo shaqeeya, Nin walba jeebka ayaa lacag loo galiyey waxaana lagu amray inuu isaga tago xilka uu hayay.

Daah cidna kagama qorsoona in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre ay waligood u ololayn jireen Federaal diid, Taasina waa mida keentay iney burburiyaan Maamul mudo dheer soo jiray.

Waxaa taas u dheer in ay Xukuumada Federaalku ay adeegsatay Ciidamada Itoobiya si loo burburiyo Maamul Goboleedyada, walina ay adeegsaneyso.

Hadase waxaa muuqata in Beesha Caalamku ay cashar fiican ka barteen wixii ka dhacay Baydhabo iyo Dhuusamareeb , waxayna ku dadaaleen in Doorashada Jubbaland aysan wax saameyn ah ku yeelan Villa Soomaaliya.

Hadii Kheyre loo diray inuu Tolkiis soo burburiyo oo uu kusoo guulaystay burburintii Galmudug, Farmaajana loo diray tolkiis iyo Jubbaland inuu soo burburiyo, sow Lama oran karo labada wiil kala Caqli badan.

Puntlandi.com
Nairobi

<