Jamesc Swann Warqad u diray Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Jubbaland , Muxuu ka hadlay

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa waraaq uu u diray Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Jubaland Hamza Cabdi Bare ayuu wuxuu ku adkeeyey kuns celceliyey in Qaabka Doorashadu u socoto ay noqoto mid loo dhan yahay oo u furan dhamaan Saamilayda Jubbaland.

Ergayga Gaarka ah isagoo ka jawaabsya Warqad ay Gudiga Doorashadu horey usoo Sareen oo ay ku cadeeyeen in Ay dib u fureen Diiwaan galinta Musharixiinta Madaxweynaha ayuu warqadiisa maanta wuxuu Gudiga ku adkeeyey in Shaqada Gudigu ay noqoto mid furan oo horseeda in ay dhacdo Doorasho xor ah oo hufan ayna si siman uga qaybqaadan karaan dhamaan Saami layda Siyaasada Jubbaland taasi oo abuuri doonta In shacabka ay iskusoo dhowaadaan.

Warqada uu maanta soo diray James Swan ugama uusan hadal Doorashadii Gudoomiyaha Basrlamaanka ee maanta Kismaayo ka dhacdey, wuxuuna Cadeeyey oo hoosta ka xariiqay in wali loo baahan yahay in iskusoo dhowaad ay sameeyaan Siyaadiyiinta tartamaya , Gudiga Doorashaduna ay si hufan u maareeyaan Doorashada si Wadamada daneeya Soomaaliya ay ugu qancaan.

Waxaa cad in Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan oo gudanaya shaqadiisa ah tala galinta hanaanka Geedi socodka Siyaasada Soomaaliya uuna si buuxda u fahan San yahay qaabka ay kaararka Siyaasada ay u ciyaaraan Siyaasiyiinta Soomaaliya.

James Swan wuxuu si buuxda u Aqoonsadey Gudiga Doorashada uu soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe , wuxuuna u la shaqaynayaa qaab siyaasadeysan sida ka muuqata Qoraaladiisa, Wax talo iyo waydiinana ama wargalina Lama uusan Sameyn Xukuumada Dhexe.

Hoos ka akhriso Warqada James Swannuu maanta usoo diray Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Jubbaland.

<