Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan oo diidey inuu Dowlada Federaalka kala tashado Arimaha Jubbaland


Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa diidey in uu wax wada shaqayn ah uu kala sameeyo Villa Soomaaliya Arimaha Doorashada Jubbaland.

Waana markii u horaysay oo mid kamida wakiilada Beesha Caalamku ay talaabadaan qaadaan.

Dhamaan xiriirada hada uu James Swan la sameynayo Gudiga Doorashada Jubaland iyo Madaxweynaha Jubbaland wax wada tashi ama wargalin ah kalama uusan sameyn Xukuumada Federaalka.

Wuxuu xitaa joojiyey in Qoraaladiisa uu ku xuso ama uu koobi(Cc) uu u diro Villa Soomaaliya.

Safarkii uu ku tagay bartamihii todobaadkaan Magaalada Kismaayo, waxay Beesha Caalamaku kasoo saareen Qoraal dheer qoraalkaas lagumasoo xusin magaca Xukuumada Federaalka wax koobi ahna looma dirin, waa markii u horaysay oo arintaan oo kale ay dhacdo.

Qoraalada ama waraaqaha uu James Swan uu kula xiriirayo Jubbaland wuxuu si Copy ah ugu diray dhamaan Xafiisyadii Cadaada ahayd in Cc ahaan loogu diro, waxaa ka maqan Villa Soomaaliya.

Sida ay xogta ku hayaan Puntlandi.com Xukuumada Federaalku waxay dhowr jeer isku dayday in Ergayga Gaarka ah uu farahakala baxo Doorashada Jubbaland taas wuxuu arkay in shadiisii laga hor istaagayo.

Arintaan waxay ilhaano iyo CERN ku tahay Dowlada Federaalka

Hoos ka eeg warqadii u dambeysay ee maanta

Hoosta ka eeg Qoraalkii sagarkooda ee Galmudug

<