Inta badan Mucaaradkii Axmed Madoobe oo ogolaadey Gudiga Doorashada Jubbaland

Warar lagu kalsoon yahay oo Warbaahinta Puntlandi ay heleen ayaa xaqiijinaya in Musharixiintii diidanaa shaqada GudigaDoorashada ay hadaogolaadeen.

Wadahadalo hoose oo tan iyo Shalay socdey ayaa Musharixiinta mucaaradka ah waxay Xalay isusoo dhiibeen Xerada Axmed Madoobe.

Tani waxay dhabar jab ku tahay Villa Soomaaliya oo aan wali ka quusan iney saameyn ku yeeshaan Doorashada.

Imaatinkii Wafdiyada Beesha Caalamka ee doraad ayaa quus galiyey kooxihii isbahaystay ee kasoo horjeedey Nidaamka Doorashada ee Axmed Madoobe.

Beesha Caalamka ayaa horay Gudiga Doorashada waxay ka dalbadeen in laba maalmo Dib loo furu Diiwaan Musharixiintaas tasoo gudigu aqbaleen.

Doorashadu waxay ku dhacaysaa qaabkii ay udoo dejiyeen Gudiga Doorashadu.

Puntlandi.com
Kismaayo

<