Gudiga Doorashada Jubbaland waxay dib u direen Diiwaan galinta Musharixiinta, Warsaxaafadeed

Gudiga Doorashada Jubbaland ayaa dib u furay diiwaan galinta Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland, waxayna maanta bilaabayaan qabashada araajida Musharixiinta.

Kulankii Beesha Caalamka iyo Gudiga ayaa Beesha Caalamku waxay Codsadeen in Dib loo dhiga maalinta Doorashada Madaxweynaha si fursad loo siiyo Musharixiinta aan wali la diiwaan galin.

Beesha Caalamku waxay kaloo Gudiga ka dalbadeen in Dib loo Giro Qabashada araajida Misharxnimada tasoo horay wakhtigeedu u dhamaadey, Musharixiinta diidan Gudiga ayaa horay u qaadacay inay isdiiwaan galiyaan, waxaana ka dhacay wakhtigii.

Warsaxaafadeed ay Gudigu soo Sareen ayay ku sheegeen inay qabanayaan Araajida.

<