Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland waxay muujinaysaa in isbadal doonku uu guul daraystay

Doorashada maanta loo doortay Baarlamaaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxay miujinaysaa in Madaxweynaha loo foranstillet Sayid Axmed Maxamed Islaad.

In markale ay Baarlamaanku u doortaan Sheik Cabdi inuu hogaamiyo waxay Ceel dheer ku riday Rajadii ay qabeen Musharixiinta isbadaal doonku, waxaa sidaas yiri Cali fiqi oo ku xeeldheer Siyaasada Koonfirta Soomaaliays.

Xaaji Axmed Warsame oo Reer Kismaayo ah ayaa isna yiri “ Doorashada Madaxweynaha Jubbaland natiijdeedu waxay ku xirnayd cida loo doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka, sida hada wax u dheceen waxaa muuqata in Axmed Madoobe uu kursiga sii fadhiya doono.

Kooxaha Isbadal doonka ee Jubbaland oo kaliya ma rajo dhigin waxaa xitaa quus taagan rajadii ay Reer Villa Soomaaliya ay ka qabeen in Axmed Madoobe ay ka taqalusaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, wuxuu balan qaadey inuu la shaqayn doono mucaaradka iyo muxaafidba ayna dhici doonto Doorasho Madaxweyne oo xalaaal ah.

Gudoomiyaha cusub wuxuu sigaara ugu mahadceliyey Ciidamada Kenya oo maduuliyad gaara iska saaray Amaanka Doorashada.

Puntlandi.com
Kismaayo

<