Puntland iyo Imaaraatka oo wada jir u dalbadey Codkii New York times ee Safiirka Qatar laga duubay

Kadib markii Dowlada Federaalku ay garab istaagtay Safiirka Qatar waxay Puntland ka codsatay Dowlada Emaaraatka iney kacaawiso sidii loo baari lahaa War uu qoray Wargeyska New York Times 22 bishaan luuliya, Warkaas oo ahaa in uu Wargeysku hayo Cadeymo cod ah oo laga duubay Teleefoon ay ku wada hadlayeen Safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade, Codkaan wuxuu cadeynayaa in Qatar ay ka dambeysa Dilal iyo Qaraxyada ka dhaca Bosaso, tasoo ay uga gol leeyihiin sidii loo wiiqi lahaa danaha Dowlada Emaraatku ka leedahay Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Cawad ayaa si indhala”aan ah wuxuu u difaacay Safiirka Qatar kadib markii ay Puntland dalbatay in Xukuumada Federaalku ay baarto Xaqiiqda kiiskaan ka dhanka ah Qatar.

hadaba Dowlada Puntland ayaa waxay qaadey talaabo ay kaga gun gaarayso Xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Argagixisada Soomaaliya, waxayna Dowlada Emaaraatka ay ka codsatay iney gacan kasiiso sidii loo baari lahaa Arintaan.

Emaraatka iyo Puntland waxay iyagoo tiigsanaya Sharuucda ladagaalanka Argagixisada Aduunka ay ka wada shaqaynayaan sidii ay gacan ugu dhigi lahaayeen codka ay sheegtay in New York Times ay hayaan.

Wararka ay Puntlandi.com ka helayaan waxaa kaloo ka mid ah in Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya uu isna kacaawin doono Puntland iyo Emaaraatka baaritaanka Kiiska.

Puntland iyo Emaraatku waxay sheegeen in talaabo cad qaadayaan hadii ay ku cadaato Qatar iney ku lugleedahay Falalka Argagixiso ee lagu wiiqayo dahanaha Emaraatka ee Soomaaliya.

Puntlandi.com
Garowe

<