warbaahinta Puntlandi.com oo wax ka ogaaday halka uu marayo baaritaankii Qarixii Xarunta G Banaadir

Inkastoo warar badan oo aan sal iyo rad lahayd ay suuqa galeen hadana xaqiiqda Qarixii lala beegsadey Gudoomiye Yariisow wuu ka weyn yahay sida suuqa lagu baahiyey.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa helay qaybo kamid ah baaritaanka ay Wadaan laamaha Amniga.

Wararka sheegaya in Gabar indha la’ ay isku qarxisay Xarunta Gobolka waa war been ah, Gabadhu waxay kamid ahayd dhibanayaasha ku nafwaayay weerarka.

Qaraxa waxaa fududeeyet masuuliyiin ka tirsan Gobolka kuwasoo fududeeyey in Qaraxa la galiyo Hoolka Shirka , ujeeda qaruxuna waxay ahayd in lagu khaarajiyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dadka aadka ugu dhow ee ay wada shaqeeyaan.

Laamaha Amnigu jamcadiiba way heleen Xaqiiqda Cida ka dambeysa Qaraxa, Wayne ogaadeen in Gabadha indhoolaha ah aysan wax shaqo ah ku lahayd Qaraxa, waxaase lagu amray ineysan wax tafaasiil ah aysan ka bixin baaritaanka.

Amar kasoo baxay Wasaarada Amniga iyo Madaxtooyada ayaa lagu amray laamaha Amniga ineysan baahin Xaqiiqda qaabka wax u dheceen.

Baaritaanka iyo cida ka dambeysa Qaraxa ayaa hada wuxuu isu badalay qaab Siyaasadeed, Sargaalka xogta siiyay Puntlandi.com wuxuu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid lasii qorsheeyey maalmo ka hor, wuxuu kaloo ahaa mid aad loo qorsheeyey oo la isla sugay Dadka la doonayay in lagu laayo iney kusoo wada xeroodaan hoolka si uusan qofna uga badbaadin.

Sargaalku wuxuu kaloo noo sheegay in Dadka soo abaabulay Qaraxa ay ka dambeeyaan Warar borobogaando ah oo la baahiyey isla maalintii qaruxu dhacay iyo waliba maalmo ka hor.

Masuulku wuxuu kaloo noo xaqiijey in la doonayo hada in lamarin habaabiyo natiijayada Baaritaanka lana siyaasadeeyo.

Puntlandi.com
Muqdisho

<