Breaking news— Raysal wasaare kheyre oo laga yaabo inuu Gaalkacyo kasoo duulo

Raysal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagayaabaa inuu safar dhulka ah ku yimaado Gaalkacyo si uu uga duulo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Ciidamada Ehlu Suna waljameeca oo ka xanaaqsan Raysal wasaaraha ayaa xanibay Garoonka Diyaaradaha Dhuusmareeb, tasoo sababtay in Raysal wasaaruhu uu raadsado meel kale oo uu ka duulo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Raysal wasaaruhu uu damacsan yahay inuu beri oo isniin ah uu kasoo duulo Garoonka Diyaaradaha ee Abdullaahi Yusuf Airport.

Ma cada sababta rasmiga ah ee uu Cadaado ugasoo duuli waayey oo uu ku doortay Gaalkacyo, Inkastoo horey uu u jiray khilaaf u dhexyaalay Raysal Wasaaraha iyo Reer Cadaado, waxaana laga yabaa in khilaafkaas uu sabab u yahay iney suuroobi waydey inuu ka duulo Cadaado.

Maalmo ka hor ayay isku dheceen Ehlu Suna Waljameeca iyo Raysal wasaaruhu kadib markii Raysal wasaaruhu uu diidey in Suna wal jameecl la siiyo Kuraas dheeraada Baarlamaanka Galmudug ee imaandoona, Ehlu Suna waxay ku adkeysteen in kuraasta Baarlamaanka kalabar oo bar iyaga lasiiyo, ayna iyagu qaybtooda cidey doontaan usoo xushaan.

Dhanka kale Ergayga Gaarka ah er Qaramada Midoobey oo isna Dhuusamareeb tagay maalmo ka hor ayay ismaan dhaafeen Raysal wasaaraha waayo Beesha Caalamku waxay soo jeediyeen in Doorashada ka hor la sameeyo kulan dib u heshiisiin ah, waxayna Beesha Caalamku soo jeediyeen in Beelaha dega Galmudug miis la isugu keeno oo la dhex dhigo dib u heshiisiin, laakiin Raysal wasaaruhu wuxuu ku adkeystay in uu sii Wadayo Qorshihiisa iyo ajandihiisa.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<