Xaalada Caafimaad ee Gudoomiye Yariisow oo soo wanaagsanaaneysa

Wararka aan ka helayno Dad aad uge dhow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow waxay noo xaqiijiyeen in Xaalada Gudoomiyaha ay aad usoo wanaagsanaaneyso hada.

Dhakhaatiirtu waxay ku guulaysteen Qaliimadii lagu sameeyey Gudoomiyaha, Hada xaaladiisa Way soo wanaagsanaaneysaa.

Gudoomiye Yariisow wuxuu Arbacadii ku dhawacmay Qarax Lagula beegsadey Xaruntiisa Gobolka Banaadir xili uu shir kula jirey Masuuliyiinta Gobolka.

Dhawaca Gudoomiyaha wuxuu ahaa mid culus , wuxuuna dhawucu kasoo gaaray Caloosha ilaa Dhuunta, dhawacyo fudud oo durba la daweeyey ayaa iyana kasoo gaaray madaxa iyo gacmaha.

Isbitaal ku yaal Dalka Qatar ayaa hada lagu daweynayaa.

Waxaa jira warar badan oo kooxda Argagixisada Dad u adeega ay baahinayaan kuwasoo ah Borobogaando bulshada lagu marin habaabinayo, Gudoomiye Yariisow wuu soo raysanyaa sacadba saacada ka dambeysa, waana lagu guuleystay dawiintiisii, Illaahay ha caafiyo, Aaamiiin Aaamiin.

Puntlandi.com
Muqdisho

<