Siyaasiyiin iyo Waxgarad Xukuumada Federaalka ku eedeeyey Abaabul Argagixiso oo ka dhan ah Puntland

Siyaasiyiin iyo Waxgarad maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa Villa Soomaaliya waxay ku eedeeyeen iney abaabulayaan qas iyo Amaan xumo looga dan leeyahay in khalkhal la galiyo Amaanka Puntland.

Siyaasiyiintaan oo badankoodu xilal kasoo qabtay Dalka waxay kaloo u digeen dhalinyarada iyo Dadka ku sugan gudaha Puntland ee qaybta ka ah ololsha Villa Soomaaliya.

Waxay Dhalinyatada uga digeen in wax qaldan loo sheego.

Waxaa maalmahaan socda olole Abaabulan oo ka dhan ah Puntland kaasoo ay maalgalisay Dowlada Qatar.

<