Sabaax Cabdullaahi Maxamed, Gudoomiyihii Degmada Cabdicasiis oo kamid ahayd Dadkii ku geeriyooday Qarixii XG Banaadir

Gudoomiyihii Degmada Cabdicasiis Marxuumad Sabaax Cabdullaahi oo Reer Puntland ahayd ayaa kamid ahaa Dadkii lagu xasuuqay Xarunta Gobolka Banaadir.

Alaaha u naxariistee Sabaax Cabdullaahi Waxay xilka xilka Gudoomiyanimada Degmada Cabdicasiis ay la wareegtay bishii april sanadkaan.

Masuuliyiinta iyana ku geeriyooday Qaraxa waxaa kamid ahaa Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi.

Gudoomiyaha GobolkaBanaadir Cabdiraxmaan Cumar Uariidow ayaa ka mid ah Dadka dhaawaca ah.

Waxaa jira warar been ah oo sheegaya in Gudoomiyihii uu geeriyooday laakiin Gudoomiyihii waa dhawac, sida Puntlandi.com wararka ku hayo qaliinkii hore ee Gidoomiye Yariisow waa lagu guuleystay, laakiin xaaladiisa caafimaad wali war sugan kama hayno.

Puntlandi.com
Muqdisho

<