Faahfaahin- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing. yariisow oo dhawac ah walina lala tacaalayo daweyntiisa

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gudaha Carunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhawac kasoo gaaray Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow.

Dhakhtar kusugan Isbitaalka Dekfeer ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey innGudoomiyaha la keenay Isbitaalka xaaladiisa Caadimaadse nooma sheegon heer ka uu gaarsiisan yahay Dhawiciisu.

Saacado ka hor ayuu Gudoomiyihii wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Sida aad sawirada hoose ku aragtaan.

Gudoomiye Yariisow wuxuu afar saac ka hor soo dhigay Bartiisa Twitterka inuu ku faraxsan yahay in Ergayga Qaramada Midoobey uu kusoo booqdey Xafiiskiisa.

Dhakhtarku euxuuu sheegay oo qura in Qolka Qaliinka legalitet Gudoomiyaha iyo laba Qof oo kale.

Dhimashada 3 Qof ayaa lasheegay iyo 7 dhawac sh.

Qaraxa waxaa lala beegsadey Shir ugadocdey Xarunta Gudoomiyaha Gobolka iyo Masuuliyiin kakala socdey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Caafimaad deg deg ah Ayaan u rajaynaynaa Gudoomiyaha.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

<