Dhagayso Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Ex Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalle waxay ka yiraahdeen In Qatar ay ka dambeysay Qaraxyo iyo Dilal ka dhacay Bosaso

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xubina ka ah Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Amaanka Dalka ayaa si kulul wuxuu uga hadley warbixin ay Qortay Wargeyska New York Times, Wargeysku wuxuu daabacay isniintii inay hayaan Cadeymo rasmi ah oo cadeynaya In Dowlada Qatar ay ku lug leedahay Dilal iyo Qaraxyo loo geystay Shacabka Bosaso.

Xildibaanku wuxuu sheegay in Gudiga joogtada ah ee Amaanku uu Ka munaaqishoon doono Warbixintaan ayna baarayaan isla markaasna ay talaabada ku aadan ka qaadi doonaan, natiijada Baaritaankooda.

Wuxuu Xildhibaanku sheegey inuu ka xun yahay in Safiirka Qatar iyo Xukuumadiisa ay ka suurowdey Arintaan, hadii ay cadahaye.

Caasha Axmed Cabdalle oo horay usoo noqotay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa iyana ka hadli doonta sida ay u aragto eedeynta Qatar ee Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Bosaso.

Hoos ka dhagayso

<