Madaxweyne Dani “Waxaan dhowaan soo gudbineynaa Gudiga Nidaamka Xisbiyada badan, Sanadkaan dabayaaqadiisana…

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo maanta khudbad furitaan ah ka jeediyey Bandholm Buugeed ka furmay Garowe ayas wuxuu sheegay in Xukuumadiisu ay diyaarisay Wadadii Dalka loogu gudbin lahaa nidaamka Xisbiyada badan iyo u gogol xaarida doorashada forts ah ee Hal Qof iyo Cod.

Madaxweynihi wuxuu yiri “ Waxaan dhowaan soo saari doonaa Gudiga cusub oo hogaamin doona nidaamka Xisbiyada badan, Waxaan anigu aad uge rajo weynahay in sanadkaan inta ka dhiman la arko Xibiyo badan”.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in uu ku rajo weyn yahay in si dhakhdo ah ay Dadka Reer Puntland uge dareeraan Doorashooyinka Golayaasha Dowladaha Hoose(Goloyaadha Degmooyinka).

Hoos ka dhagayso Madaxweyne Dani

<