Dilkii Wakiilkii Shirkada Dubai P&O Ports ee Bosaso , waxaa ka dambeeyey Qatar

Paul Anthony Formos oo ahaa maamulihii Dekada Bosaso wakiilka uga ahaa Shirkada P&O Ports oo hoostimaada PD World waxaa feberaaayo sanadkaan lagu dilay Bosaso, Ninkii dilka fuliyey waxaa toogtay ilaalada Dekada.

Warar hada lahelayo waxay sheegayaan in Dilka Poul Anthony Formos ay soo anaabushay Dowlada Qatar.

Tan iyo shalay markii laga war helay in Wargayska New York Times uu hayo cadeymo aad u culus oo muujinaya In Dowlada Qatar ay ka dambeyso Qaraxyada ka dhaca Bosaso waxaa iyana soo baxay in falal badan oo dhacay gudaha Puntland ay Qatar maal galiso, falalkasoo lagu dilay Dad rayid ah oo isugu jira Aqoonyahano iyo waxgarad iyo Ciidamada Puntland.

Ujeedka ay Qatar usoo weerartay Shacabka Puntland ayaa lagu sheegay iney doonayso iney Emaaraatka ka qixiyaan Puntland.

Dilkii Wakiilkii Shirkada Emaaraatka ee maamusha Dekada Bosaso wuxuu kamid yahay falalka Dilka iyo Qaraxyada ah ee Dowlada Qatar ay ka fulisay Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

waxaan iyana shaki ku jirin in iminka ay Qatar oo adeegsanaysa Xukuumada Federaalku ay dhaqaale ku bixinayso Khalkhal galinta Amaanka Puntland, iyadoo dhaqaalahaas loo qaybinayo shaqsiyaad Calooshood u shaqaystayaal ah oo ku siham Puntland amaba hadii sikale loogo “Reer Puntland ah”.

Puntlandi.com

<