DAAWO-Madaxweynaha Puntland,”Raggii lagu xiray Bosaso waa saaxiibaday laakiin sharcigu wuxuu siiyo yaan laga hordhicin”.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo maanta khudbad ka jeedinayey xaflad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Puntland iyo Dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni ayaa waxa uu ugu horayn ka hadlay shaqsiyaad lagu xirxiray magaalada Boosaaso, isagoona sheegay in ogaalkiisa ay yihiin dad daacad ah oo wanaagsan haseyeeshee ay u xiran yihiin hayaddaha dowladda loona baahan yahay inaan sharciga laga hordhicin.

Siciid Denni waxa uu eedayn markale u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya isagoona sheegay inay faragelin kuhayaan dowladda Puntland, ayna qalad ahayd hannaankii ay lacagaha ugu soo dirin dadka shacabka ah iyagoo baalmaray xukuumadda dalka.

Dhinaca kalena, madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka ah iyo xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya in la baaro dilkii agaasimihii hayadda DP World ee dekedda Boosaaso oo lagu eedeyey in dibadda laga soo abaabuley.

DAAWO

<