Breaking News—- Wargeyska New York times ee Maraykanka kasoo baxa “ Qaraxyada Bosaso ka dhaca waxaa ka dambeysa Dowlada Qatar oo ku xumeynaysa Emeraatka

Port of Bosaso

Wargeyska New York Times ayaa wuxuu daabacay warbixin Dheer oo ay kasoo xigteen Sirdoonka Maraykanka iyo ilo dublamaasiyedeed.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Sirdoonka Maraykanka ay heleen Codod ay kaduubeen wadahadal Khadka teleefoonka ah.

Dadka codkooda la qabtay waxaa kamid ah Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya oo la sheekaysanaya Nin ganacsade ah oo ay saaxiibna yihiin Amiirka Qatar laakiin Bosaso ku sugnaa, Waxaa hadalkooda kamid ahaa Qaraxa Bosaso ka dhacay iyo Ujeedkiisa iyo cida kadambeysay, ujeedka Qaraxa wuxuu ku sheegayaa in Emeraatka laga raacdeeyo Puntland.

Warbixintu waxay sheegaysaa in dilalka iyo Qaraxyada Bosaso uu ujeedkiisu yahay Dagaalka u dhexeeya Qatar iyo Emaraatka, ayna soo maleegto Dowlada Qatar.

Dowlada Puntland oo aan la xiriirnay wax jawaab ah kama bixin Faragalinta falalka ay Qatar ka wado Puntland.

Sheikh Atam

Waxaa xusid mudan in bilo ka hor lagu diley Bosaso Wakiilkii Shirkada DP World.

Waxaa kaloo xusid mudan in Hogaamiyihii Argagixisada Burhaan Galgala waa Ninka lagu magacaabo Atam uu degan yahay Qasri ku yaal Doha oo Amiirka Qatar uu dajiyey.

Waa tan warbixinta New York times Riix linkiska hoose…

https://www.nytimes.com/2019/07/22/world/africa/somalia-qatar-uae.html

 

<