Duqa Magaalada Hargeysa iyo Al Fanaan BK ayaa lagu eedeyey wererkii Aargoosiga ah ee xalay lagu qaaday Fanaanka Ogaadeen ee Maxamed Bakaal Ciro

Duqa Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Fanaanka Maxamed Siciid Bakeeri ( BK ) ayaa lagu eedeyey in ay ka danbeeyeen weerer aargoosi ah oo xalay lagu qaaday Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Al- fanaan Maxamed Axmed Bakaal Ciro.

Al Fanaan Maxamed Axmed Bakaal Ciro oo ka soo jeeda Beesha Ogaadeen ayaa kooxo hubeysan oo la soo abaabulay xalay weerer ku qadeen guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa.

Weerarka iyo hanjbaado loo geystay Fanaanka Maxamed Bakaal Ciro ayaa farta lagu fiiqay in ay ka danbeeyeen Duqa Magaalada Hargeysa Seltelco iyo Fanaanka Maxamed BK, iyagoo la sheegay in arintaasi tahay fal aargoosi ah oo looga jawaabayo Fadeexadii iyo Carqaladihii Fanaan Maxamed Siciid BK uu kala kulmay Magaalada Nairobi ee dalka kenya, oo eedeeda ay dusha u sareen in ay ka danbeeyeen dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Ogaadeen.

Fanaanka Maxamed Axmed Bakaal Ciro oo isla markaana ah Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska ayaa qoraalo kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ku sheegay in ay ceeb iyo wax laga xishooda tahay in Duqa Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco uu ka sheegto magaaladii uu ku dhashay, kuna barbaaray.

Sidoo kale Fanaanka Cabdiramaan Oday oo ka mid ah fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ayaa falka lagula kacay, ee lagu weeraray, loogana xigsaday Magaalada Hargeysa Fanaan Maxamed Bakaal Ciro ku tilmaamay mid ceeb ah

<