Daawo Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo beenyey warkii Xiisad Abuurka, Iska horkeenka iyo Kicinta Bulsho ee ay la wareegeysay Marwo Caasho Geele Diiriye

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Muse Nuur ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay in Dawlada Puntland Ciidamo dheeri ah ay keentay Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye Axmed Muse Nuur oo maanta xafiiskiisa ugu waraamaya warfidiyeenada ayaa sheegay in aanay haba yaraatee jirin waxa culeys ciidan iyo mid Siyaasadeed ah oo ay Dawlada Puntland k ku soo kordhisay Gobolka Mudug.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in Xukumada Puntland ay xirxiri doonto shakhsiyaad jooga Magaalada Gaalkacyo ay yihiin warar been abuur ah oo loogu talo galay in khalkhal lagu galiyo nabadgalyada iyo xasiloonida Gobolka Mudug iyo gaar ahaan mid Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Muse Nuur ayaa uga digay kooxaha ku mashquulsan iska horkeenka Shacbiga Mudug iyo Xukuumada Puntland in ay ka waantoobaan falalkaas arxan-darad iyo been abuurka ah ee ay u maleegayaan shacbiga Puntland.

Halkan ka daawo hadalkii Gudoomiyaha Gobolka Mudug

Wakhti sii horeeyey oo maanta ah ayaa Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye oo shir jaraa’id qabstay ay sheegtay in Magaalada Gaalkacyo ay ku sugan yihiin magaalada Ciidamo gadoodsan oo iyada difaacaya.

Marwo Caasho Geele Diiriye ayaa sheegtay in Magaalada Gaalkacyo ay soo gaareen Ciidamo laga soo diray Garoowe oo ujeedadodu tahay in iyada soo xiraan, lakiin waxaa warkaas beeniyey oo gashaanka u daruuray Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Muse Nur.

Halkan ka dhageyso Shirkii Jaraa’id ee Marwo Caasho Geele ee maanta

Waxaa aad isu soo taraaya walaaca iyo dareenka feejignaanta leh ee ay guud ahaan bulshada Puntland iyo mida Magaalada Gaalkacyo-ba ka qabaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo hadalda deelqaafka ah ee mudooyinkan danbe ka soo yeeraya Marwo Caasho Geele Diiriye.

Hadaladii Maanta ay kaga tiraabtay Marwo Caasho Geele Shirkii jaraa’id ee ay qabtay ayaa ahaa kuwo kicin iyo iska horkeen bulsho oo bareer ah, kuwaas oo aad uga hooseya hankii iyo kalsoonidii ay shacbka Puntland u qabeen Marwada.

Sidoo kale bishan July bilowgeedii bay aheyd markii baraha bulshada la soo geliyey codod sir ah oo laga soo duubay warbixin qarsoodi ah oo Marwo Caasho Geele siineysay Gole ama Koox ah Pressure Group ah oo ay xubin ka tahay.

Kooxdaas oo ay ku mideysan yihiin
Kooxo ujeedo badan ah, sida Shakhsiyaad mucaarad ku ah Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, qaar ka mid ah Musharixiintii looga guuleystay doorshadii Puntland,Shakhsiyaad xildoon ah oo Taagerayaal u ah Madaxweyne Farmaajo, isla markaana damac uga jiro xisbiyada siyaasadeed ee Muqdisho ka furan iyo koox cudur qabiil dilooday oo naceyb iyo colaad gaar ah u qaba beelo iyo degaano gaar ah oo ka tirsan Puntland.

Warbixinta Marwo Caasho Gelle ayaa ku qotontay booqashadii Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ku tagey Magaalada Gaalkacyo iyo doorkii dhabar-jebinta ahaa ee ay Marwo Caasho ku dhagartay kuna waxyeelaysay mawqifkii iyo dadaalkii ay wadeen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Dawlada Puntland oo Magaalada Gaalkacyo u yimid hawlaha safarka Raisal Wasaare Kheyre.

Warbixintii qarsoodiga aheyd ee Marwo Caasho ka bixisay Safarkii Raisal Wasaare Kheyre ee Gaalkacyo

Isku soo duubo talaabooyinkii gurcanaa ee ay qaaday Marwo Caasho wakhtigii socdaalkii Kheyre ayaa ahaa kuwo baal marsan dhamaan nidaamka iyo shuruucada dawladnimo, isla markaana waxay Marwo Caasho u bareertay iyadoo u adeegaysa Raisal Wasaare Kheyre in ay kicso oo
iska horkeento dhalinyarada iyo qaar ka mid ah Nabadoonada Gaalkacyo iyo Xukuumada Puntland,taas oo wiiqaday sharaftii iyo maqaamkii siyaasadeed ee Shacbiga iyo Dawlada Puntland.

Ma aha markii ugu horeysay ee Marwo Caasho Geele Diiriye ay Ticket u goosato, oo la xamaalato kooxaha siyaasadeed ee gacanta ku haya Villa Somaaliya.

Sideynu wada xusuusano sannadii 2014 ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Marwo Caasho Geele ugu yeeratay Magaalada Muqdisho oo uu u magacaabay Gudoomiyaha Gudiga dib u eegida Dastuurka, wakhtigaas oo ay taagneyd xiisad iyo is maandhaaf siyaasadeed oo aad u qalsfsani oo u dhaxeeyey Dawlada Puntland iyo Xukumadii Madaxweyne Xasan Sheekh, khilaafkaas oo gaaray in Dawlada Puntland joojiso xiriirkii wada shaqeyn ee ay la laheyd dawlada Federaalka Somaaliyeed, kadib markii ay cadaadtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dabada ka riixayey, oo uu ku lug lahaa Dagaaladii ka holcaayey Magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<