Axmed Cali Biixi : – Kooxda kheyre iyo Farmaajo iska soo hormarinayo, wuxuu Farmaajo idiin arkaa in aad tihiin khaaimiin aan marnaba sharaf iyo amaano laheyn.

Magaalo muslimiintu leedahey ayaa la soo weerarey. Ciidan aad u xoog badan ayaa hareereeyey. Difaac ayey ku jireen muddo dheer. Markii la jabin waayey ayaa hogaamiyihii cadowgu wuxuu yiri “qofkii muslimiinta ka mid ah oo noo yimaada oo dagaalka ka baxa ayaan madax uga dhigi doonaa markaan magaalada qabsanno”. Intii daciifka aheyd oo khaaimiinta aheyd ayaa cadowgii u galey oo isku dhiibey.

Hogaamiyihii cadowgu wuxuu khaaimiintii ka codsadey iney dagaalka magaalada lagu furanayo ka qeyb galaan. Wey ka qeyb galeen. Magaaladee waa la qabsadey. Intii magaalada ku hartey ayagoo is difaacaya ayey shahiideen.

Markii magaaladee la qabsadey ayaa hogaamiyihii cadowgu amrey in dhamaan khaaimiintii loo bireeyo sidii idaha oo kale. Wuxuuna yiri “ninka walaalihiisa muslimiinta ah khaaimey wuxuu istaahilaa un sidii xoolihii loo bireeyo”

Hitler oo ka mid ah shakhsiyaadka adduunka ugu xun wuxuu “waxaan aduunka ugu necbahey kuwii igu caawiyey in dalalkooda qabsado. Xitaa markey ila shaqrynayeen wax sharaf ah uma heyn waayo khaain buu ahaa”.

Kooxda kheyre iska soo hormarinayo wuxuu kheyre idiin arkaa khaaimiin aan marnaba sharaf iyo amaano laheyn. Meesha yaan ka idinku bireyn sidii idaha

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<