(SAWIRRO) Madaxweynaha Puntland Oo Daah-furay Mashruuca Waxbarashadu yeyna ku seegin.

Dowladda Puntland, hay’adda Save children iyo ECW ayaa maanta daahfuray mashruuc waxbarasho oo loogu magac daray,” waxbarashado yaysan ku seegin (Education Cannot Wait), si kor loogu qaado waxbarashada carruurta ay saameynta ku yeelatay dhibaatooyinka Abaaraha iyo colaaduhu kamid yihiin.

Mashruucaan oo wajigiisa ugu horeeyo uu ku baxayso dhaqaale gaaraya 5.6 million dollar, ayaa laga sugayaa deeqbixiyayaashu inay bixiyaan $54.4 million, si loogu guulaysto in muddo saddex sano ah 40,000 kun oo ardayd  in dib loogu celiyo ama lagusii hayo waxbarashadoodii, kuwaas oo isugu jira carruurta qoysaska reer guuraaga,, barakacayaasha iyo gabdhaha waxbarashada uga tagay  guurka degdeg ah IWM.

Madaxa hay’adda Save Children ee Soomaaliya,  Mohamud Mohamed Hassan, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada maalgalintaan waxbarasho u leedahay carruurta dhibaataysan, isagoo ku tilmaamay hal abuur waqtigiisii yimid. “Carruur badan oo Soomaaliya ku nool ayaa waxbarashadooda ka luntay sababo la xiriira iska horimaadyada, waayitaanka nolol-maalmeedkooda, musiibooyinka dabiiciga ah iyo amni-darrada. Carruurtaan waxay ubaahan yihiin in ay wax bartaan oo hormaraan si ay kaalin wax ku ool ah uga ciyaaraan markay weynaadaan,” ayuu yidhi Mohamud Mohamed Hassan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

“Mashruucaan waxaan rajeynaynaa inuu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab ay ardaydu uga baaqdaan Waxbarashada oo mar walba iyo duruuf walba oo jirta ay la jaan qaadaan Tacliinta”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Ugu danbayn Madaxweynaha dowladda Puntland madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahahceliyay wasaarada Waxbarashada Puntland iyo hay’adaha gacanta ka gaystay isagoona kula kula dar-daarmay in mashaariicdaan iyo kuwa lamidka ah la dhowro siday tahayna ay u fulaan, la hareer marin, la lexjeclaysan la musuq maasuqin meeshay ku baboon tahay la marsiiyo.

Puntlandi.com

 

 

 

 

<