MUUQAAL: Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay arrimaha ka socda gobolka, khilaafka federalka & dadka la shaqeeya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa waxa uu madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey faraglinta hanaanka dowladnimo ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya oo baalmarsan dastuurka dalka ay bilowday inay farageliso Puntland ayna shacabka la xaajooto iyadoo ay jiraan xukuumad iyo hay’ado dowli ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay lacagaha ay sheegtay inay ugu deeqday garoomo iyo waddooyin la dhisayo.

Waxa uu sheegay in lacagaha bangiga dhexe ee Soomaaliya uu soo dirayo ay tahay inuu soo maro bangiyada maamulada dalka, wixii dabagal ahna ay yeesheen wasaaradaha maaliyadda heer federal iyo kuwa dowlad goboleedydada dalka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni ayaa sheegay in dhammaan shacabka Puntland uu sharcigu ka sarreeyo isla markaana aysan aqbali doonin in Facebook iyo laabla kac lagu waxyeeleeyo ammaanka iyo midnimada Puntland.

DAAWO

<