DAAWO-Madaxweynaha Puntland oo gaarey taliska ciidanka lana kulmay taliyayaasha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo ay weheliyeen saraakiisha ciidamada booliska Puntland ayaa maanta kormeeray saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe oo shaqo dayactir ah ay ka socotey.

Kormeerkaan ayaa waxaa madaxweynaha Puntland ku weheliyey taliyaha guud ee ciidanka booliska Puntland sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse, ku-xigeenadiisa, taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn u kuurgalay xaaladda saldhigga dhexe oo ay ka socotey shaqo dayactir, xafiisyada ay saraakiishu ku shaqeeyaan, xaaladda xabsiga isagoona taliska qaybta ku bogaadiyey shaqada wacan ee uu ka qabtay saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe.

Intaas kadib madaxweynaha, taliska guud ee ciidanka booliska iyo saraakiisha qaybta ayaa kulan kuyeeshay taliska, waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray shaqada bulshada loo hayo, tirakoobka ciidamada iyo arrimaha ammaanka.

DAAWO

<