DAAWO: Khilaaf ka dhex bilowday xildhibaanada laga soo doortay Somaliland & Villa Somalia iyo Hargaysa oo dhuunta la qabtay.

Khilaaf xoogan ayaa waxa uu ka dhex bilowday xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya isla markaana deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada waqooyi ee Soomaaliya xilligaana uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Xildhibaanada reer Somaliland ee ku jira labadda aqal ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda Sare ee dalka oo ay ku eedeeyeen in ay Cunaqabateyn saareen maamulka Somaliland.

Xildhibaanadda ayaa beeniyay hadalkii ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay fasaxday Markabkii ku xayirnaa Dekedda Jeddah ee xoolaha sidey, waxaana ay sheegeen inay fasaxday dowladda Sucuudigu.

DAAWO

<