Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur : – Maanta taariikhdu waxay kulnsatay 17 July 1989 oo ah maalintii Xasuuqii Jaziira iyo M/weyne Farmaajo oo Generaal Cabdiraxmaan Guulwade u magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Wadahadalda Somaliland

Maanta waxay kulansatay labo dhacdo oo taariikh madow ku leh baalka dawladnimada Soomaaliya. Waxaa habeenkii 17 kii Juulay ee sanadii 1989 aqaladooda lagala baxay 47 qof oo ka soo jeeda Somaliland, laguna xasuuqay Xeebta Jazeera. Xalay oo ahayd 17 kii Juulaay waxaa garaado dalacsiin ah lagu abaalmariyey rag gaystay xasuuqii 17 kii December 2017 kii ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir oo lagu dilay shan dhalinyaro Soomaaliyeed ah.

Danbiyada waa isku mid, laakiin dilka iyo xasuuqa magaca dawlad lagu gaystay, wuu ka dambi wayn yahay, ka tiiraanyo reeb badan yahay, kana masuuliyad culus yahay, kan ay geystaan dad aysan masuuuliyad dawlad saarnayn, sababtoo ah Dawlada waxaa waajib ku ah in dhowrto nafta, hantida, diinta iyo cirdiga muwaadinka ee ma aha in ay ku xadgudubto, ama abaalmariso kuwii xadgudubka gaystay.

Tani waxay cadayn u tahay in kuwa abaalmarinta siinaya iyo kuwa kor ka soo amray ay danbiga shirko kula yihiin, waxayna shacabka Soomaaliyeed tusaysaa sida uu rajiimka Vila Somalia ka taliyaa sharci, dawladnimo, damiir iyo dadnimo kaga arradan yahay.

Waxaan kalsooni ku qabaa in wiilashii la xasuuqay mar ay noqotoba ay cadaalad heli doonaan, sawirkaninna uu marqaati fur u noqon doono gaboodfalka xasuuqii uu rajiimka Vila Somalia ka arrimiya geystay.

Sidoo kale maanta oo ah Luulyo 17, 2019 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Gudigan ayuu Madaxweyne Farmaajo Gudoomiye uga dhigay Xildhibaan ka mid ah taagerayaashiisa, sidoo kalena Gudoomiye ku xigeen loogu magacaabay Generaal Cabdiraxmaan Guulwade
oo ahaa Taliyih hore ee Ciidankii Guuldarada ( Guulwadayaasha )
ee xiligii Dawaldii Milatariga, isla markaana uu Sodog u ahaa Marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo Xukumadisii loo tirinayo Xadgudubyadii ka dhacay Waqooyiga Somaaliya

Halkan ka akhriso xubnaha Gudiga iyo Beelaha ay ka soo jeedaan

1.Gudoomiyaha Gudiga Wadahadalada Dawalada Federaalka iyo Somaliland Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ( Beesha Dir – Biyomaal)

2. Gudoomiye Ku xigeen General Cabdiraxmaan Guulwade ( Reer Aw Xasan )

3.la taliyaha Madaxweyne Farmaajo, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) ( Beesha Hawiye- Abgaal ).

2.Safiirka Somalia ee Midowga Yurub Dr.Cali Siciid Fiqi ( Beesha Digil)

3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse ( Beesha Dir- Isaaq )

4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli) ( Beesha Daarood – Dhulbahante )

Puntlandi
Muqdisho

<